1 min read

Masjid ku yaalla St. Paul, Minnesota oo la gubay.

Laamaha ammaanka ee magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa baaraya Masaajid ku yaalla magaaladaas oo dab la qabadsiiyey. Laamaha ammaanku illaa haatan may sheegin cid falkaas loo qabtay.

Tirada masaajidda la weerarayo ayaa korodhay sannadkan, iyada oo masaajidkani noqonayo kii lixaad ee sannadkan gudihiisa lagu weeraro gobolka Minnesota.