1 min read

Maraykanka: Sare u kac ku yimid Tirada dadka u dhinta isticmaalka Daroogada.

NEW ORLEAN – Tirada dadka u dhinta isticmaalka dawooyinka xad-dhaafka ah iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya ayaa aad sare ugu kacay dalka Maraykanka, sannadkii la soo dhaafay, sida ay sheegeen masuuliyiinta xarunta xakamaynta iyo ka hortagga cudurada faafa ee dalka Maraykanka ee loo soo gaabiyo CDC.

Khubarada diyaarisay warbixinta ayaa sheegay inaanay hubin, in arrintaasi ay la macno tahay, in tirada dhimashada ee ay sababayaan dawooyinka iyo daroogada sida xad-dhaafka ah loo isticmaalo, inay haatan marayso halkii ugu sarraysay taariikhda Maraykanka. Hase ahaatee waxay farta ku fiiqeen inay arrintani marayso meel halis ah.

Tirada dhimashada ee la diiwaangeliyey sannadkii hore ee 2022 ayaa gaadhaysay illaa 109,680 oo dhimasho ah, sida ay shaacisay xarunta xakamaynta iyo ka hortagga xanuunada faafa ee CDC. Tiradan ayaa 2% ka badan, tirada dhimashada ee la diiwanageliyey sannadkii 2021 oo ahayd 107,622.

Tirada dhimashada dadka u dhinta isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooyinka iyo daroogooyinka ayaa sannadkii 2021, waxay korodhay 15%, halka sannadkii ka horreeyey ee 2020 ay korodhay 30%.

AP