1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Saraakiil tababar ku qaadanaysa dalka Qatar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socda dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan ku aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda