May 16, 2023
Madaxweynaha oo Magacaabay Lataliyaha Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Mako Maxamuud Muuse in ay noqoto Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaraan, maadama ay muhiim tahay in la xaqiijiyo […]
Erdogan oo la sheegay in uu fure u yahay xiriirka Afrika iyo Turkiga.
Iyadoo lagu wado in dalka Turkiga uu aado doorasho wareeg labaad oo codbixin ah oo u dhaxeeya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo musharaxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu – maxay natiijada ka soo baxdaa Afrika uga dhigan tahay?. Sami Hamdi, oo ah falanqeeye isla markaana tafatire ka ah Jaraaidka The International Interest current affairs, ayaa u sheegay […]
Dagaal xoogan oo mar kale ka qarxay xarunta dalka Sudan.
Iska horimaadyo ba’an oo u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga Taageerada degdega ah ee kasoo horjeeda, ayaa mar kale ka qarxaymagaalada caasimadda ah ee Khartoum, iyo magaalooyinka deriska la ah Omdurman iyo Bahri, ee dhinacyada wabiga Nile. Ciidamada ayaa sii wada weerarada dhanka cirka ah, waxaana dadka guryahooda gabaad ka dhiganaya ay maqlayaan qaraxyo waaweyn. […]
CIA-da oo baaq u dirtay shacabka Ruushka.
Washington:- Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa xoojisay dadaalka ay dadka Ruushka uga dhaadhicineyso inay dusiyaan sirta dalkooda, ayada oo muuqaalo qiiro leh soo dhigtay Telegram, kuwaasi oo loogu talo-galay dadka ka niyad jabsan xaaladda xukunka madaxweyne Vladimir Putin. Muuqaalka gaaban ayaa waxa uu muujinayaa shaqaale dowladeed iyo haweeney gurigeeda ku haysata ilmo, oo u […]
Madaxweyne Koonfur Afrika oo sheegay iney dhex dhexaad ka yihiin dagaalka Ukraine.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Afrika ee, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in cadaadis aan caadi ahayn lagu hayo dalkaasi, si uu uga tanaasulo mowqifkiisa aan isbahaysiga ahayn ee dagaalka Ukraine. Warsidaha toddobaadlaha ah, Ramaphosa, ayaa wuxuu ku sheegay in Koonfur Afrika aysan dhinacna u xaglin doonin waxa uu ku tilmaamay “halganka iyo tartanka u dhexeeya Ruushka […]