1 min read

Dowladda Koonfur Afrika oo lagu eedeedyay inay hub siiso Ruushka.

Safiirka Mareykanka ee Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay dalka Koonfur Afrika inay hub siiyo Ruushka inkastoo uu dalkas sheegay in uu dhexdhexaad ka yahay dagaalka Ukraine.

Reuben Brigety ayaa sheegay in Markab laga leeyahay dalka Ruushka uu rasaas iyo hub ka qaaday magaalada Cape Town bishii December ee lasoo dhaafay.

Xafiiska madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in ay ka xun yihiin sheegashadaas oo uu sheegay in aan wax caddayn ah la helin.

Koonfurka Afrika ayaa ku adkeysaneysa mowqifkeeda ku aadan inay dhexdhexaad katahay coolada Ukraine iyo Ruushka.