1 min read

Dagaal Al-Shabaab iyo ciidamada K/Galbeed u dhaxeeya oo  ka dhacay degmada Xudur.

Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooganaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Koonfur Galbeed ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin karin khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Waxaa ay sheegeen inay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga fulinayo degaannada hoostaga degmada Xudur si looga saaro Al-Shabaab oo kasoo abaabula weerarada ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ee kamid ah howlgalka ATMIS.

Degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay kamid ah degmooyinka kuyaalla degaannada Koonfur Galbeed ee u go’doonsan Al-Shabaab.