1 min read

Maxkamada sare ee Pakistan oo amartay in lasii daayo Imran Khan.

Ismabad:- Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa ku dhawaaqday in xarigga ra’iisal wasaarihii hore Imran Khan uu yahay “mid sharci darro ah”, waxaana go’aan ka soo baxay laba maalmood uu dhaliyay isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo mudaharaadyo waaweyn oo dalka oo dhan ka dhacay.

“Xadhigaagu wuxuu ahaa mid aan sax ahayn, sidaa daraadeed waa in nidaamka oo dhan dib loo celiyaa,” ayuu guddoomiyaha maxkamadda sare Umar Ata Pandial u sheegay Khan mar uu ka hadlayay dhageysi ka dhacay caasimadda Islamabad.

Umar Ata Bandial ayaa booliska ku amray inay masuul ka yihiin amniga Khan iyo reerkiiisa, wuxuuse Khan ka diiday codsigiisa ahaa inuu ku laabto hoygiisa.

Khan ayaa lagu amray in uu ku sii jiro xabsiga, iyadoo booliska ilaalinayaan amaankiisa ilaa inta uu ka soo muuqanayo dhageysi kale oo maxkamadeed Jimcaha berri.

“Maxkamaddu waxay amartay in uu ku sii jiro xabsiga Maxkamadda Sare ee Pakistan iyo in uu la kulmi karo oo uu la tashan karo saaxiibadiisa iyo qareennada inta uu ku sugan yahay halkaas,” ayuu yiri qareenka Khan, Babar Awan.