1 min read

Al-Shabaab oo weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda.

Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ku leeyihiin degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday agagaarka Xerada Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka iyo sidoo kale Aaga Saldhigga Booliska degmadaas, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka , isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada dowladda dhankooda ay jawaab xoogan ay ka bixiyeen weerarkaas madaafiicda ah, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay howlgallo kala duwan halkaasi ka wadaan.

Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab oo muddo tobanaan sano ah Maamulayay, waxaana degaannada ku dhow dhow ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.