1 min read

Kooxaha Real Madrid & Man City oo ku heshiyay Barbarro 1iyo 1, Xilli La Waayey Erling Haaland.

Kooxaha Real Madrid iyo Man City ayaa ku kala baxay bar-baro kulan xiiso leh oo ka dhacay Bernabue kana tirsnaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah mid walbana doonaysay in ay badiyaan ciyaarta.

Man City ayaa ciyaarta maamulaysay qaybta hore waliba ahayd kooxda fiican iyada oo kooxda Pep Guardiola wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal.

Laakiin Real Madrid ayaa si fiican u difaacatay goolkkooda sidoo kale ciyaaraysya weeraro rogaal celis ah.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 36-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Vini Jr kaas oo gool wareer ah u dhaliyay kooxdiisa hogaanka u dhiibay ciyaarta.

Man City ayaa sii waday raadinta in ay ciyaarta ku soo laabato iyaga oo sameeyay fursado aan kala joogsi lahyn oo ay ku doonayeen goolala.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid hogaaminayso natiijo ahaan laakiin Man City ahayd kooxda fiican ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man City sii waday raadinta goolal kale xilli ay Real Madrid lafteedu samaysay fursado wareer ah.

Daqiiqadii 67-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Kevin De Bruyne kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iyo Man City ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah kulan xiiso lahaa oo champions League ah.