1 min read

Madaxweynihii hore ee Maraykanka oo markii ugu horeysay dembi lagu helay.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukunka ay kiiskiisa ka soo saareen xeerbeegtida New York iyadoo lagu helay inuu ku xad-gudbay haweeney qoraa ah oo lagu magacaabo Elizabeth Jean Carroll kadibna uu sumcad dil u geystay isagoo ku tilmaamay in ay been sheegtay.

Trump wuxuu ku sheegay go’aanka dacwadda madaniga ah mid ceeb ah oo isagu dhibane u yahay. Haddaba arrintaan maxay u dhimi kartaa sharciyan sumcadda Trump marka ay timaaddo inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha doorashada soo aaddan suaashaas iyo kuwa kale ayaan waydiinnay Qareen Aamiin Haaruun oo deggan dalkaas, weroiyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar ayuuna u warramay.