1 min read

Adigu Nasiib Badanidaa!!! (Waxaa lagu siiyay Nicmada Aduunka ugu qaalisan)..

A. Waxaa lagu siiyay Nicmada Aduunka ugu qaalisan.

1.Nabi Ibrahim CS waxa rabay oo uu Alla ka baryay, in Aabe Aazir uu noqdo Muslim.
2.Nabi Nuux CS waxa uu rabay in Wiilkiisu uu noqdo Muslim.
3.Nabi Moxamed CSW waxa uu rabay in Adeerkii uu noqdo Muslim.
Ambiyadaa, Rabitaankoodii iyo Dalabkoodii Alla kama aqbalin.

Adigana, adoon weeydiisan ayaa Alla ku siiyay Muslimnimo oo ah wax loo diiday Nabi Ibrahin CS, Abihii, Nabi Nuux CS, Wiilkiisa, Nabi Moxamed, Adeerkii, oo ay Allaah u weydiisteen.
Adiga, Waxaa Alla kuu Aqbalay in aad Muslim noqoto oo aad ku dhalato kuna Barbaarto Adiga oo aan Weeydiisan.
Miyeeyna taasi aheyn Nicma Aduun Tan ugu weeyn, Adna waxaa lagaa rabaa in aad ku shukriso Nimcadaa Alla ku siiyay ( F.M: 1aad.

B. Sida Qur’aanku noo sheegay, Naarta ayaa sida Dad loogu gurayo, la leeyahay Naareey Ma buuxsantay, markaa ayeey leedahay: Ma leey hayaa kuwa kale. Sida Qur’aanku noo sheegay. waa yaryihiin inta Nimcadaa Alle siiyay ku shukriso.
Dadka aan qaadan Diinta Islaamku, Aduunka waa ku badan yihiin.

Nabigeena Muxamed CSW waxa uu lahaa 9 Adeer Labo kaliya ayaa Muslim ka aheyd waxa ayaa ahaayeen: 1. Xamsa. 2. Cabaas.
Lixda kale ma aheyn Muslimiin waxa ay kala ahaayeen. 1. Abu Lahab. 2.Abu Daalib. 3. La’raar. 4.Maquum.5. Xaarith. 6.Subeyr.

Eedayaashiina waxa ay ahaayeen Lix, Labo ayaa Muslim aheyd. 1.Arwey. 2. Safiya. Afarta kale ma aheyn Muslim waxa ay kala ahaayeen. 1.Umu Xakim. 2.Caatika. 3.Barta. 4.Amiimat. ( F.M:2aad)

Annaga Allaah waa naga dhigay Muslimiin ee Alla ha naga dhigo kuwii aan Gadaal ka fidnoobin oo Muslinmada ku dhinto Aakhira Janno ku waaro. Aamiin, Aamiin.

Ha hilmaaminhee, Alla ku shukri.

FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore:Yahya Amir