1 min read

Shir ku saabsan khariidadeynta Caasimadda Muqdisho oo ka furmay Kenya “SAWIRRO”

Waxaa maanta lagu daahfurey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Kenya, Mashruuc wayn oo ay Dowladda Japan ka caawineysay Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan Khariidadeynta habka casriga ah ee dhamanaan Degmooyinka  Muqdisho.

Mashruucaan furitaankiisa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud,  Agaasimaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Agaasimaha Xafiiska Duqa Muqdisho, Agaasimaha Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha, Safiir Ku-xigeenka Safaarada Japan ee Kenya, Howl wadeenno iyo Qubaro Japanese ah, waxaana shirka Martigaliyay Safiirka Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Faa”iidada Mashruucan iyo ujeedooyinkiisa waxaa kamid noqon doona.

1-  Sawiridda Magaalada dhanka Satellite-ka,

2 -Aasaaska Barta Xakamaynta Dhulka (GCP),

3- Soo saarka Khariiddada Magaalada Topographic,

4- Horumarinta Nidaamka GIS Web,

5- Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose.