1 min read

Mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay Magaalada Xudur.

Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ee Soomaaliya, ayaa waxaa maanta ka dhacay mudaaharaad, kaasoo geystay waxyeello.

Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Xudur, Cumar Cabdullaahi Maxamuud, mudaaharaadka, ayaa waxaa ka danbeeyey ka gadaal markii askari laga qaadey Xudur, oo loo geeyey Uganda tababar, uu dalkaasi ku dhintay.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in geerida askariga kadib, ay meydkiisa marka magaalada Muqdisho lagu soo celiyey, lagu arkay calaamad jeexdin ah, taasoo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Guddoomiye Cumar, ayaa carabka ku dhuftay in dadweynaha ay ka gadoodeen markii war suuqa soo galay, kaasoo sheegayey in lagala baxay marxuumka uurku jirta.

Cumar ayaa beeniyey arrinkaasi, isagoo sheegay inuu la xiriiray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, oo uu u caddeeyey inaanu waxba ka jirin wararka kasoo baxay Baraha Bulshada ee Internet-ka.

Cumar, ayaa ku nuux nuux sadey in mudaaharaadkii maanta uu geystay khasaare, sida inuu dhaawac xun uu soo gaarey wiil yar, iyo inay waxyeello soo gaartey hanti fara badan, oo isugu jirta goobo ganacsi iyo guryo.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha, ayaa sheegay in rabshadihii ay xakameeyeen, oo ay haatan xaaladdu dagan tahay.