25 Jul, 2024
1 min read

Soomaali ka soo carartay coladda ka socota Sudan oo Muqdisho soo gaartay.

Sida lagasoo xigtay warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxaa maanta dalka lagu soo celiyay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho Ku soo dhoweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay magaalada Garoowe. […]

1 min read

Mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay Magaalada Xudur.

Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ee Soomaaliya, ayaa waxaa maanta ka dhacay mudaaharaad, kaasoo geystay waxyeello. Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Xudur, Cumar Cabdullaahi Maxamuud, mudaaharaadka, ayaa waxaa ka danbeeyey ka gadaal markii askari laga qaadey Xudur, oo loo geeyey Uganda tababar, uu dalkaasi ku dhintay. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in geerida askariga kadib, […]

1 min read

Ciidamada Dowladda  oo howlgal ay sameeyeen ku qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saacadihii la soo dhaafay sameeyay howlgallo xoogan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab. Howlgallada ayaa Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen degaannada Hul-caduur iyo Xalaneey oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidamada […]

1 min read

DFS oo soo dhaweysay wada-hadallada u bilowday dhinacyada isku haya Suudaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay wada-hadallada nabadeed ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalka Suudaan, wada hadalladaas oo uu martigelinayo Sacuudiga, waxayna ku baaqday in la dhaqan galiyo xabbad joojinta. War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu xusay in dowladdu ay bogaadisay qabsoomidda wadahadallada oo ay si wadajir ah u fududeeyeen […]

1 min read

Guddoomiye Cali jeyte oo xayiraad kusoo rogay deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan. Guddoomiye Jeyte ayaa amar ku bixiyay in Maanta kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal […]

1 min read

Maamulka Hir-Shabeelle oo ka shiray wajiga 2-aad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar. Shirka Golaha Wasiirada ayaa  looga hadlay Amniga, Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, Maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Isbitaalka […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ergey gaar ah oo ka socda dalka Suudaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee ka socda dalkaas. Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal, waxa […]