1 min read

Soomaali ka soo carartay coladda ka socota Sudan oo Muqdisho soo gaartay.

Sida lagasoo xigtay warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxaa maanta dalka lagu soo celiyay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho Ku soo dhoweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay magaalada Garoowe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow ayaa ka warbixiyay soo dhoweynta muwaadiniinta isagoo sheegay in dalwdda Soomaaliya ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah dalkaasi.

Dhanka kale Ku simaha safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Ayaan Maxamuud Sheekh ayaa sheegtay in Muwaadiniin gaaraya 1250 ay safaaraddu ka soo gudbisay xadka Sudan ay la wadaagto Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore muwaadiniin kasoo daabushay colaadda dalka Sudan iyada oo la kaashaneysa wadamada deriska iyo saaxiibada.

Tan iyo markii dagaalladu sii xoogeysteen, waddamada caalamka ayaa diblomaasiyiinta iyo muwaadiniintooda kala baxayey Sudan.