1 min read

Ciidamada Dowladda  oo howlgal ay sameeyeen ku qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saacadihii la soo dhaafay sameeyay howlgallo xoogan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen degaannada Hul-caduur iyo Xalaneey oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee degmada Ceeldheer ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay Saraakiisha kala ah Shire Cabdi Maxamed,Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow kuwaas oo lacago Al=Shabaab uga qaadayay gaadiidka safarka ah inta mudo ahna ka tirsanaa.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay soo wadi doonaan howlgallada Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’an tahay in degaannada hoostaga degmada Ceeldheer ay ka saaraan Al-Shabaab.