1 min read

WPFD2023: Soomaaliya waxaa tirtirmay ereyga “XORRIYADDA SAXAAFADDA”

Waxaa shalay dunida laga xusay maalinta saxaafadda adduunka oo ku beegan 3 May 2023.

FARTII TIRTIRNEYD!!!

Waa 363 ‘erey’ oo la tirtiray! oo u dhiganta 363 saxafi oo la xiray, ama la afduubay 2022. Erey kasta wuxuu metelayaa hal saxafi.

Hay’adda caalamiga ee Free Press Unlimited ayaa daabacday blog u gaar ah saxafiyiinta la weeraray sannadkii 2022 kaasoo lagu soo beegay maanta oo ah 3da May 2023.

Soomaaliya waxaa tirtirmay ereyga “XORRIYADDA SAXAAFADDA” oo gebi ahaanba aan jirin, loona aqoonsaday, tan iyo October 2022 markii Wasaaradda Warfaafinta ay soo saartay qoraal sharci darro ah oo khilaafsan Dastuurka Dalka, kaasoo XAYIRAAD saaray xorriyadda warbaahinta.

(AKHRI Blog https://erased.freepressunlimited.org/