1 min read

Laacibiinta Man City oo xalay Haaland u sameeyey arrin ay ku maamuusayeen kaddib rikoodh jebintiisii (Daawo)

Erling Haaland ayaa saaxiibadiis kooxda Manchester City waxay u qabteen rigo-sharafeed kaddib markii uu jebiyey rikoorka gooldhalinta Premier League ee hal xilli ciyaareed.

Laacibkan Norwegian-ka ah ayaa ciyaarta 2-0 kaga dhigay kulankii West Ham isaga oo kubadda daba mariyey Lukasz Fabianski, taasoo ka dhigan inuu dhaafay Andrew Cole iyo Alan Shearer marka ay timaado goolasha ugu badan ee la dhaliyo hal xilli.

Kahor inta uusan garoonka ka bixin dhamaadkii kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Hammers, Haaland ayaa waxaa si wayn u maamuusay dhamaan taageerayaasha Etihad halka saaxiibadiis ay saf ugu galeen si ay ugu sameeyaan rigo-sharafeed.

Muuqaalladan ayaa sidoo kale caddaynaya sida ay Haaland ula dhacsan yihiin saaxiibbadiis City, iyadoo Norwegian-ka lagu sheegay inuu yahay nin jajaban oo shakhsi ahaan loo majeerto marka la eego safka xiddigaha badan ee kooxda Pep Guardiola.

Ciyaartooyda iyo shaqaalaha kooxda oo dhan ayaa dhabarka ka dharbaaxayey isaga oo dhex socda islamarkaana dhoolla caddayn wayni ay wejigiisa ka muuqato.