1 min read

Dowladda FS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jirta Soomaali & Ajaanib.

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo la sheegay in lagu dilay Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay Beerta Shariifka oo ku taala deegaanka Nuungare oo 8 KM kaga beegan dhinaca Waqooyi  deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waraaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 40 ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in ciidamada iskaashanaya ay fuliyeen habeenkii Talaadada oo taariikhdu ahayd 2-dii bishaan May, kadib markii ciidanka Sirdoonka qaranka ay heleen xogta abaabul ay Al-Shabaab ka waday dhul beereedka Shariifka.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada Ajaaniibta ee howlgalka lagu dilay ay tahay ku dhawaad 10 ruux, islamarkaana lagu sii daba jiro xubnaha kale ee goobta ka tegay.

Shalay ayay aheyd markii ciidanka dowladda Soomaaliya howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Ceel qaboobe ay ku dileen 60 ka mid ah Ururka Al-shabaab, kuwaas oo la sheegay inay hub la soo degayeen.