1 min read

Kuuriyada Waqooyi oo digniin kasoo saartay heshiiska Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Kim Jong-un oo ah haweeney la dhalatay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi aadna u awood badan, ayaa diginin kasoo saartay in heshiiska ay dhawaan gaareen dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu horseedi doono “khatar ka badan tii hore u jirtay”.

Kim Yo-jong, ayaa sheegtay in kahortaga nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi “uu haatan gaarey halkii ugu sarreeyey”, warbaahinta dowladda ayaa sidaasi soo gudbisay.

Maraykanku ayaa waxa uu ogolaaday in la geeyo Koonfurta Kuuriya maraakiibta hubka Nukliyeerka ah, iyadoo maamulka dalkani uu dhankiisa ka jaan goynayo qorshahaha nukliyeerka, si loogga hortago khatarta nukliyeerka ee Waqooyiga.

Taas cagsigeeda, Kuuriyada Koonfureed, ayaa waxay ogolaatay inaysan iyagu sameysan hubka Nukliyeerka, oo ay iyagu gaar u leeyihiin.

Heshiiska – oo looggu magac daray Heshiiska Washington – ayaa lagu dhawaaqay toddobaadkan, intii lagu jiray wada hadalladii ay yeesheen Madaxweyne Joe Biden uu kula yeeshay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol, ee caasimadda dalka Mareykanka.