1 min read

Dayax-gacmeed uu leeyahay Imaaraadku oo sawiro ka soo diray meeraha Mars.

Dayax-gacmeed

Dayax-gacmeed lagu magcaabo Amal ama Rajo, oo uu laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa qaaday mid ka mida sawiradii ugu wanaagsanaa ee laga qaado dayaxa yar ee uu leeyahay meeraha cas ee Mars.

Dayax-gacmeedka Amal ayaa u jirsaday illaa 100 KM dayaxa Deimos bishii hore, iyada oo muuqaalada uu qaaday dayax-gacmeedkaasi la sii daayey Isniintii. Duulimaadkan ayaa noqonaya kii masaafada ugu dhow u jirsaday dayaxa meeraha Mars muddo ku siman nus qarni.

Dayax-gacmeedkan ayaa sidoo kale sahamiyey dhinacyo durugsan oo aan xog badan hore looga haynin oo ku yaalla dayaxa meeraha Mars. Meeraha Mars ayaa leh laba dayax oo kala ah Deimos iyo Phobos.

Hessa al-Matroushi oo ah saynisyahanad hoggaaminaysa hawlgalkan ayaa sheegtay, in dayaxa Phobos uu illaa haatan yahay mid soo jiitay dareenka, balse uu haatan ku soo biiray dayaxa labaad ee Phobot”

AP