1 min read

Muran ka dhex aloosan Bajaajleyda iyo maamulka Banaadir.

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaqangalo go’aan uu fulinayo maamulka gobolka Banaadir ,oo lagu qaabaynayo Bajaajta ka shaqeysa caasimadda. Gaadiidkaas ayaa loo kala qeybin doonaa laba qeybood, oo maalinba ay qeyb shaqeyn doonto.

Waxaa go’aankaas su’aal ka keenay iskaashatada Bajaajleyda, oo sheegay in aan lagala tashan habka fulinta go’aanka. Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee iskaashatada Bajaajleyda Muqdisho, Cilmi Makaraan Guuleed, ayaa u waramay Kauthar Maxamed.