April 24, 2023
Itoobiya oo ku dhawaaqday inay wadahadal nabadeed la yeelanayso jabhadda Oromada.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axaddii sheegay in dowladdiisa ay wada hadal la furtay jabhadda Oromada ah ee OLA, oo ka dagaalanta gobolka Oromada, oo ah gobolka ugu weyn uguna dadka badan dalkaas. “Wada xaajoodka Oneg Shene, ayaa maalin ka dib ka bilaabmi doona dalka Tansaaniya,” ayuu yiri Mr Abiy, isagoo magac kale u […]
Dagaalka ka socda dalka Sudan oo kasii Daraya maalinba maalinta ka danbeysa.
Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dalal dhowr ah, ayaa magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan ka daadgureeyay shaqaalaha, dublamaasiyiintooda, iyo muwaadiniintoodaa, iyadoo xaaladda dalkani ay sii xumaaneyso. Waa kuwan sawirro laga soo xulay muuqaalada ka jira caasimadda Suudaan, oo muujinaya qaar kamid ah dadka la daad gureynayo.
Muran ka dhex aloosan Bajaajleyda iyo maamulka Banaadir.
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaqangalo go’aan uu fulinayo maamulka gobolka Banaadir ,oo lagu qaabaynayo Bajaajta ka shaqeysa caasimadda. Gaadiidkaas ayaa loo kala qeybin doonaa laba qeybood, oo maalinba ay qeyb shaqeyn doonto. Waxaa go’aankaas su’aal ka keenay iskaashatada Bajaajleyda, oo sheegay in aan lagala tashan habka fulinta go’aanka. Guddoomiye kuxigeenka […]
Meydadka 31 tahriibeyaal ah oo laga soo saaray xeebaha badda Tunisia.
TUNIS — Ciidamada ilaalada xeebaha Tunisia ayaa sheegay maanta oo Isniin ah inay soo saareen meydadka 31 qof oo tahriibayaal Afrikan ah, kuwaas oo qarraqmay xilli ay doonayeen inay uga gudbaan badda Mediterranean-ka, una sii gudbaan dhanka Talyaaniga. Waxa ay intaa ku dareen in meydadka laga soo saaray xeebaha Sfax, Kerkennah iyo Mahdia, waxaana ka mid […]
Wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi oo booqasho ku yimid Muqdisho.
MUQDISHO — Wasiirka Arrimaha Dibedda, Horumarinta iyo Iskaashiga ee Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah. Shingiro ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, oo ay kulan horudhac ah ay ku yeesheen caasimadda. […]