1 min read

Wararkii ugu dambeeyay ee Masgawaay , Al-Shabaab oo halkaas ku dishay Odayaal Dhaqameedyo.

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay magaalada Masagawaa, kadib markii weerar ku billowday qarax ay Al-Shabaab ku qaadeen subaxnimadii hore ee saakay.

Inkasta oo ay adagtahay xaqiijinta khasaaraha dagaalka saaka, ayaa haddana, wararka laga helayo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay sheegayaan in dadka ku dhintay weerarkaas ay ka mid ahayeen odayaal dhaqameed iyo dad kale oo rayid ah.

Gen Tareedisho oo kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay duullaan kusoo qaadeen Masagawaa, laakiin sida uu yiri ay ku hungoobeen inay qabsadaan magaalada, isla markaana hadda magaalada gacanta ku hayaan ciimadama dowladda iyo dadka deegaanka.