1 min read

Xoghayaha guud ee QM oo cambaareeyay dagaalka ka socda Suudaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa si adag u cambaareeyay dagaallada ka qarxay dalka Suudaan.

Wuxuu ugu baaqay militeriga iyo ciidamada RSF inay joojiyaan colaadda isla markaana ay ka shaqeeyaan nabadda iyo inay dib ugu laabtaan wahadallada lagu joojinayo qalalaasaha.

Wuxuu intaa ku daray in xaaladda banii’aadanimo ee Suudaan ‘ay markii hore aheyd mid halis ah haatana ay isu baddashay masiibo’.