1 min read

3-da Madaxweyne ee loo xil saarey xalinta dagaalka ka socda Sudan.

Koox ka mid ah dalalka dhaca dhanka bari ee qaaradda Afrika, ayaa qorsheynaya inay saddex hoggaamiye u diraan dalka Suudaan, si ay u dhex dhexaadiyaan ciidamada isku haya dalkaas.

Axaddii, urur goboleedka IGAD, ayaa wuxuu isku raaceen in madaxda dalalka Kenya, South Sudan iyo Djibouti loo diro caasimadda magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Sidoo kale ururka, ayaa dalbaday xabbad joojin degdeg ah, oo la dhex dhigo dhinacyada isku haya Suudaan.

Marka laga reebo xirnaanshaha garoonka caalamiga ah, lama hubo xilliga uu bilaabanayo qorshaha nabadda.

Sida ay sheegayaan wararka, dagaalka ayaa weli socda, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda, iyo kuwa gurmad ah ee RSF, inkastoo beesha caalamka dalab u dirtay dhinacyada dagaallamaya.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka codsaday madaxda Midowga Afrika inay u istaagaan soo celinta nabadda magaalada caasimadda ah ee Khartoum.