1 min read

Ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood.

Wararka  ka imanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Magaaladaas Nin ganacsade ahaa .

Wararkaa ayaa sheegaya in ganacsadaha la dilay lagu magacaabi jiray Jaamac Cilmi Kadiye oo loo yaqaano (Jaamac Qaxoonti) kana mid ahaa ganacsatada waaweyn ee magaalada Laascaanood oo lagu dilay isla magaaladaasi.

Dhanka kale dilka xalay ka dhacay  Magaalada Laascaanood  ayaa noqonaya dilkii 3 aad afar maalmood gudahood, oo lagu dilo  qof  Reer Laascaanood ah magaalada lama oga cidda ka dambeysa dilka ganacsaahaan.