1 min read

RW Japan oo bambo lagu weeraray isagoo meel fagaare ah khudbad ka jeedinaya.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa laga soo saaray goob fagaare ah, ka dib markii lagu tuuray wax u muuqday bam qiiq ah.

Qof ayaa lagu xiray goobta oo ku taal Wakayama, halkaasoo lagu waday in Mr Kishida uu khudbad ka jeediyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ay arkeen qof wax tuuraya, kadibna uu qiiq ka baxay, halka mid kalena uu sheegay in ay maqleen jug weyn. Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Booliska ayaa sheegay inay qof u qabteen falkaas, balse ilaa hadda way ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Warbaahinta Japan, NHK, ayaa ka soo xigatay Mr Kishida in uu yiri “qarax weyn” ayaa ka dhacay goobta. “Booliska ayaa baaraya qaraxa iyo waxa uu yahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan raaligelin u diro dadkii goobta isugu yimaaday ee ay dhacdada saameysay..”