1 min read

Gian franco Zola oo fikirkiisa ka dhiibtey laacibkii kubbad fiican Mbappe & Haaland (Kee ku biiri kara Real Madrid)

Laacibkii hore ee Gianfranco Zola ayaa fikirkiisa ka dhiibtay laacibkii kan kale uga sii habboon marka la eego ku biirista Real Madrid.

Laacibiinta laga hadlayaa waa  Kylian Mbappe, oo PSG ah, iyo laacibka qannaaska ah ee Manchester City ee Erling Haaland, Zola waxa uu yiri: “Waxa aan u malaynayaa in Mbappé uu ku fiicnaan karo inuu ka ciyaaro horyaalka Spain marka la eego qaab ciyaareedkiisa.

“Halkaas waxaa laga yaabaa in weeraryahan kubbada ciyaara uu yahay mid lagama maarmaan ah, ee aan loo baahnayn mid diiradda saaraya kaliya goolka,” ayuu raaciyey.

”Waxaan qabaa in Kylian uu wax badan la qabsan doono Madrid iyo horyaalka Spain. Laakiin labaduba waa ciyaartooy aad u muhiim ah. Aan samayno hal shay: Mid Madrid ha aado iyo midka soo harayna, Chelsea!” ayuu soo jeediyey Zola oo sidoo kale usoo ciyaaray Blues.