1 min read

Hindiya oo loogu baaqay in ay maxkamad soo taagto Dalai Lama kadib falkii uu ku sameeyay wiil yar.

Xisbiga mucaaradka Koonfur Afrika ee loo yaqaan Economic Freedom Fighters (EFF) ayaa ugu baaqay booliska Hindiya in ay soo qabtaan oo ay dacwad ku soo oogaan Dalai Lama oo lagu eedeeyay xad-gudubyo carruureed ka dib markii muuqaal aan munaasib ahayn oo lagu shaaciyay baraha bulshada.

Muuqaalkan, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Tibetan oo 87 jir ah ayaa lagu arkay isagoo ka dibnaha ka dhunkanaya wiil yar kana codsanaya inuu “carabkiisa nuugo” goob fagaare ah.

Dhacdadan ayaa u muuqata inay ka dhacday macbadka Dalai Lama ee Dharamshala bishii Febraayo.

Kadib qaylo dhaan caalami ah oo arrintan ku saabsan, Dalai Lama ayaa raaligelin ka bixiyay, isagoo sheegay inuu ka xun yahay falkaas.

EFF waxay sheegtay in raali-gelinta curyaanka ah ay tahay in la diido maadaama ay timid bil kadib dhacdada.

Qoraalka xisbiga ayaa lagu sheegay in maamulka Hindiya looga baahan yahay inay digniin adag u diraan dhammaan kuwa ku dhiirada inay waxyeeleeyaan carruurta iyo in si adag loo maxkamadeeyo iyada oo aan loo eegin xaaladdooda”.