1 min read

Hoobiyaal ku soo dhacay guriga Wasiirka Batroolka oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo Caawa kusoo dhacay Xaafado katirsan degmada Wartanabadda iyo Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo jugtooda laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa qaar kamid ah waxaa ay ku dhaceen Guriga uu gudaha Madaxtooyada ka degan yahay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana ku dhintay laba Ruux oo uu kamid yahay Madaxa ilaalada Guriga Wasiirka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Cabdullaahi Muumin, halka ay ku dhaawacmeen Mahad Aadan Boorow & Muuse Cadde oo kamid ahaa ilaalada Guriga.

Guriga Wasiirka Batroolka ee Hoobiya uu ku dhacay ayaa u dhow Hotelka Villa Reys ee uu hadda ka hor weerarka ka dhacay, waxaana xilligaas weerarka kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Sidoo kale ilaa Saddex Ruux ayaa ku dhaawacmay hoobiye ku dhacay Guri kuyaalla agagaarka Iskuulka 15 May ee degmada Wartanabadda.

Laamaha Amniga Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarka Hoobiyeyaasha ah ee Caawa ka dhacay meelo kamid ah Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawan.

Habeeno ka hor ayay aheyd sidaan oo kale in hoobiyeyaal ay kusoo dhaceen Magaalada Muqdisho, balse dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ahaayeen dheemish ay Al-Shabaab doonayeen inay amniga Magaalada ku khalqal geliyaan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, laakin weerarrada noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan waxaa mas’uuliyadooda sheegta kooxda Al-Shabaab.