5 mins read

Hablaha Tataaristaan iyo taariikhda dalkaas.

Beryahaan waxaan Baraha Bulshada ku arkayay, “Vedio Clip” ka hadlayo Hablaha Taraaristaan oo guur doon ah.

Labo Dhalinyaro ah ayaa i soo weeydiiyay maxaa ka jiro?

Clip-kan ma cadeeyn karo saxnimadiisa waxaase is leeyahay waa suuragal.

Wixii aan ku soo arkay Taraaristaan.

Horta Taraaristaan waxa ey ka tirsaneyd Midawgii Sufyeeti ee Burburay, in kasta oo ay tahay Dowlad Madaxbanaan ilaa heer Haddana Ruushku waa diiday in ay ka go’do. Sababta oo ah waxa ay ogaanteey lehayd 36 Ceel oo shidaal ah, wabiga Yurub ugu ballaaran ayaa dhax maro, waana Dal yar oo taajir ah Dadkiisuna ay Aqoon fiican leeyihiin.

Waa Muslimiin Suufiya ah, oo leh Taariikh islaam oo fac weeyna. Shuuciyadii ayaa kala dagaashay Islaamka, Dadku Wixii laga celiyo ayeey jecelyihiin. Waxaa laga mamnuucay Kitaabka Qur’aanka. Mar ayuu ahaa waxa ugu qaalisan, halkii kitaab qiimihiisu waxa uu ahaa 70 Dollar si qarsoodi ah ayaan wadanka lagu soo gali jiray, waxaana looga keeni jiray Turkiga Ganacsi ahaan. Haddii laguugu arko waxa uu ahaa Dil, waana u bareeri jireen.
Waxa ay ahaayeen Dad Diinta Islaamka ku dhagan.

Intii aan joogay waxaan arkay Guri la leeyahay Police-ka ayaa Laba Sano kor ka ilaalinayay markii la arkay in Guriga Rag kaliya oo Wadaado ah ay ka soo baxayaan. Markii Dambe waa la galay waxaa loogu tagay Haween iyo Caruur. Markii la yiri: maxaad halkaan ugu xayirteen? Waxa ay yiraahdeen Aduunkii waa fasahaaday waxaan ka baqnay in Caruurta iyo Haweenka nalaga Fidneeyo, Halkooda ayaan ku barnaa Aqoonta Islaamka.

Runtii waxaa lagu sheegayo Haweenka Tataarka wey ka muuqataa in ay yihiin kuwa ugu Haweenka Qurxan qaaradda Yurub. Weliba waxaa la baraa sidii ay u noqon lahaayeen Haween dhisa Qoys wanaagsan. Mana ahan Dad Hanti jaceeyl ka muuqdo.

Markii la igu casuumay Shir islaam oo halkaa ka dhacayay, waxa Hore ii sii raacay oo aan rabay in ay wax soo arkaan Labo ka mid ah Ardayeydii Mogadishu aan Jaamacadda ugu dhigayay Kuwii ugu wanaagsanaa oo aan is lahaa baxsan maayaan ee waa soo noqonayaan.

Laba sheey ayaan uga baqayaa dhalin yarada Taraaristaan:
1. Qulqulka Reer Galbeedka oo dhalin yarada u sheegayo in ay ku daysadaan ilbaxnimada Reer Galbeedka.
2. Dowladda Sucuudiga oo u direysay Culimo aan uga baqayo in ay Wahaabiya baraan, bacdamaa ay yihiin Reer Tataar Dad Diinta Hamuun u qabo oo muddo laga hortaagnaa, Haddana loo fasaxay, in kasta oo kuli ay Suufiyo yihiin.

Waxaan ku bartay Dad badan oo aad kuu soo dhaweynaa haddiiba aad Muslim tahay, Dhalinyarada Muslimka ahna jeceel. laakin ay ku yar tahay Aqoonta Islaamku.

Haweenka haddii aad tiraa waxaan ahay Muslim Salaan iyo in ay Hab ku siiso ayey Rabtaa. Ma ogo in Dadka Muslimka ah ee kala jinsiga ah aynan Hab isa sii karin, Adiga oo aan ogeyn ayey Farxad kugula soo boodayaan qaarkood. Haddii aad tiraa iga fuq waxa ay ka shakinayaan walaaltinimadaada Muslimka ah.

Tataristaan, Waa ka muuqataa in haweenku ay ragga ka badan yihiin ( F.S: 1& 2aad)

Intii aan joogay, Waxaan isbaranay Ardayad dhigato Jaamacd, bartana “International Law” . Taa oo inta badan Magaalada i kala bari jirtay. Dhowr jeer ayeey igu tiri aan ku baro Aabahey oo shiikh ah iyo Hooyo, laakin taasi iima suura galin. Xiriirkeenu waxa uu ku ekaa walaalnimo, waxaan ka naxay habeen kii aan ka soo baxayay Tataaristaan ayey Airporka igu soo booday iyada oo ooynee, oo leh waad tahay Muslimkii ugu horeyay oo Madow oo aan barto, waxaana ka baqayaa in aanan nolosha Mar dambe kugu arag, waan ka xumaaday kalmadaa. waxaan ku i iri: Dunidu hadda waa sida Tuulo yar, waxaa dhici karto in aan meel kale isku aragno haddii Alla idmo, laakin ilaa hadda dib uma arag. ( F.S: 3,4& 5aad)

Waxaan uga mahad celinayaa Ardayadaas in aan Darteed ku bartay Rag iyo Dumar badan oo Reer Tataar ah, oo aan kula kulmay Miyiga iyo Magaalooyinka Dalka, weliba jaamacado iyo Masaajid badan ayay i geeysay. ( F.S: 6-23aad)

Runtii waa Dad Qalbi wanaagsan, Aqoon iyo Akhlaaq leh marka loo fiiriyo wadamada kale, waa Dad aan ku khiyaameeyn, jaceeyl Hanti kama muuqan, waa Dad Diinta jecel, laakin Aqoonta Diintu ay ku yartahay oo 70 Sano Shuuciyadu u diiday.

Hablaha Reer Tataar waa tira badan yihiin, waana Qurxan yihiin oo Aduunkaa isku raacay. Waana jecelyihiin Islaamka in kasta oo lagu hayo olole loogala dagaalamayo dhaqanka Islaamka.

Su’ aashii ay i weeydiiyeen Labada Dhalinyarada ah ee Somalida intaa ayaan ku soo koobayaa.

FG: Sawirada qaar waan idinka reebay si eydaan ugu qaadan wax kale oo mala xumeeyntu ayna Dambi idiin kugu keenin, meeshii aad tagtaba waxaad ugu tagee Dhaqan kaa yaabiyo Gabar Muslim ah oo Adiga oo aan fileyn, jaceeyl Muslim oo wax kale ayna ula jirinna kuugu soo ordee, kama ordi kartid ee waa in aad si degan ugu sheegto waxa Islaamku arintaa ka qabo.

Adiguna Sawirada ha mala xumeyn, iyaguna Diinta waa jecelyihiin ee Allaah ha baro. Aamiin.

Qore: Yahya Amir