1 min read

Weerar lagu qaaday meherad laga dukaamaysto oo ku taalla Boosaaso.

Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday rasaas iyo bam gacmeedyo ku qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso, ee Puntland, iyada oo weerarkaasi uu geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba.

Goobjooge ku sugnaa meheradda weerarku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay  in kooxda weerarka fulisay markii hore toogasho ku dileen waardiyihii, iyaga oo markaas kadib bambooyin ku tuuray gudaha meheradda.

Intaas kadib, waxaa dab xooggani ka dhashay bambooyinkii lagu tuuray meheradda, kaas oo khasaare hantiyeed oo xooggan u geystay meheradda. Sidoo kale waxaa waxyeello kala duwani soo gaadhay qaar ka mida shaqaalaha meheradda, oo qaarkood ay ku neefqabatoobeen dabkii xoogganaa ee ka bilaabmay meheradda.

Meheraddan laga dukaamaysto oo lagu magcaabo al-Macruuf Supermarkets, ayaa ka mid ah dukaanada ugu waaweyn ee ku yaalla magaalada Boosaaso ee laga dukaamaysto.

Laamaha ammaanka iyo ciidamada dab-damiska ayaa u soo gurmaday meheradda, si ay u xakameeyaan dabka, si aanu ugu faafin dhismayaasha kale ee ku hareeraysan.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Weerarada lala bartilmaameedsado shirkadaha ganacsiga ayaa xilliyadii hore waxaa bamgacmeedyo lagu dhufan jiray irida hore ee meheradda, kuwaas oo aan khasaare weyn geysan jirin, hase ahaatee, waa markii ugu horraysay ee weerar noocan ah lala beegsado gudaha xarun ganacsi oo weyn, isla markaana uu ka dhasho dab baaxad leh oo burburiyey hantidii dhextaallay goobtaas ganacsi.