1 min read

Dagaal saakay saacado kooban ka socday magaalada Laascaanood

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa hadda deggan kadib dagaal saaka aroortii dhacay.

Ciidamadaisku hor fahiya magaaladaasi ee kuwa Somalilnd iyo dhanka deegaanka ayaa saaka subaxnimadii is fara saaray iyadoo markii dambe ay xaaladdu qabowday.

Dhawaqa hubka nuucyadiisa kala duwan ee la’isku adeegsaday ayaa laga maqlayay qaybaha kala duwan ee magaalada.

Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo socday mudadasi kooban mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada is haya.