2 mins read

Real Madrid Oo 4-0 Ku bur burisay Barcelona, Una Soo Baxday Finalka Copa del Rey.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska xaadirisay finalka tartanka Copa del Rey, kaddib markii ay 4-0 kusoo karbaashtay Barcelona oo ay ku booqatay garoonkeeda Camp Nou lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey.

Karim Benzema ayaa dhaliyey saddexlay qaybtii labaad ah, iyadoo uu laba hadiyadood oo midkood rikoodhe ahaa uu ka helay Vinicius Junior oo isaguna isku qoray diiwaanka goolasha.

Real Madrid ayaa iska khasaarisay fursado badan oo kale oo ay goolal u beddeli karaysay, waxaana ku dhowaad saddex kubbadood oo goolal noqon lahaa goolka la seegay Karim Benzema.

Ciyaarta ayaa ahayd laba qaybood oo ay kooxba talinaysay 45 daqiiqadood, waxayse kooxda garoonkeeda joogtay awoodi weyday in waqtigii ay ciyaarta maamulaysay ay ka faa’iidaysato fursadaheeda oo ay goolal dhaliso.

Bilowgii ciyaarta ayay Barcelona ku doodday in rikoodhe la siiyo markii kubbad uu Gavi kasoo dhigay dhinaca midig ay ku dhacday gacanta David Alaba, hase yeeshee garsooraha ayaa u sheegay in ay u baxday bannaanka maadaama gacantu ay ka hor kubadda sii taallay dhulka oo aanay ahayn mid uu si badheedh ah ugu dhigay.

Kubbad ay Real Madrid iska soo difaacday ayuu Rodrygo si degdeg ah ugula soo orday dhinaca goolka Barcelona, waxaanu usii dhiibay Vinicius Junior oo isagun grabka midig ugu tuuray Karim Benzema oo meel cidlo ah oo goolka hortiisa ah usoo dhigay, waxaanu da’yarka Brazil weydaariyey goolhaye Ter Stegen, balse waxa soo difaacay Kounde waxayse ka gudubtay xariiqda, sidaas ayaanay Real Madrid ku heshay goolka dhamaadka qaybta hore.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Real Madrid muujisay khibrad iyo awood cajiib ah, waxaanay dhaliyeen saddex gool oo uu saxeexay Karim Benzema oo midkood rikoodhe ahaa.

Daqiiqaddii 50aad ayaa uu Luka Modric kubbad kasoo jiiday garabka midig, waxaanu lasoo galay khadka dhexe isaga oo bannaanka u dhigay Karim Benzema oo darbad dhulka socota sii raaciyey, sidaasna shabaqa ugu hubsaday.

Waqti badan kuma aanay qaadanin Real Madrid in ay si dhab ah u niyad-jabiso Real Madrid, waxaana siddeed daqiiqadood kaddib loo dhigay rikoodhe markii uu Kessie lugta kaga istaagay Vinicius Junior, waxaana gool u beddelay Karim Benzema.

Intaa wixii ka dambeeyey Barcelona way is-dhiibtay waxaana ku bilaabantay inay kubbadahooda meelo qaldan dhigaan amaba si fudud looga qaato.

Kubbad uu Vinicius Junior lasoo baxsaday ayuu ku eryaday laba difaac ah, waxaana uu dhinaca midig oo xerada ganaaxa ah u dhigay Karim Benzema oo isaguna darbad weydaariyey Ter Stegen, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 4-0.

Lugtii hore ee Santiago Bernabeu ayay Barcelona  kusoo badisay 1-0, waxaanay wadarta labada lugood noqotay 4-1 ay finalka ugu gudubtay Real Madrid.