1 min read

Nasashada Jimcaha. Q- 350=Haddii aad is leedahay Aqoon ayaad leedahay. Bilawga Suuradahaan macnahooda ma taqaan?=

1.Rusuulkeena Moxamed CSW ayaa yiri: Qofkii Akhriyo Suuradda Ikhlaas ( Qulhuwa laahu) Toban Mar, Allaah ayaa Guri uga dhiso Jannada.
Saxiixul Bukhari-6472. ( F.M: 1aad).

( Maxaad Sugee, Maad haddaba Akhrisid)

2. Malakul Jibriil ayaa Rasuulka ku yiri: Moxamadow, Qofna kuguma Saliyo, ilaa isagana ay ku saliyaan 70,000 Malag. ( F.M: 2aad)

( Maxaad Sugee, Haddaba maad ku salsid)

3. Sayid Cumar Bin khtaab ayaa yiri:
a) waxaan la yaabay Qofka Allaah ka shakinayo isaga oo Arkayo Makhluuqiisa.
b) Waxaa la yaabay Qofka hilaamaansan Geerida isaga oo Arkayo Meydka.
c) waxaan la yaabay Ninka inkirayo Soo bixitaanka Dambe. Isaga oo arkayay Soo bixitaankii koowaad.
” Adiga oo aan jirin ayaa dhibac lagaa abuuray, sideed u inkiree in dib laguugu soo bixi karo”
d) waxaan la yaabay Ninka Camirayo Daarta dhamaanee, kana tagayo in uu camiro Daarta waaritaanka ee aan dhamaaneyn.
e) waxaan la yaabay kibirowga kaa oo shalay ahaa dhibac, Berrna noqonaayo wax qalalan” jirkiisu Qabriga ku qalalayo. ( F.M: 3aad)

( Adiguna maxaad la yaabtay)

4. Haddii aad is leedahay Aqoon ayaad leedahay. Bilawga Suuradahaan macnahooda ma taqaan. (F.S: 4aad)

( Aniga Maya)

5. Rasuulkeena CSW ayaa yiri: Qofkii igu arko Riyadu, waa i arkay. Sheeydaanku iskuma ekeey karo Suuradeeyda. Saxiixul Bukhaari 115. ( F.M: 5aad)

( Aniga, Alxamdu lilaahi)

6. Rasuulkeena Moxamed CSW ayaa yiri: Ninkii Ummad waraabinayo, waa kan ugu dambeeyo ee wax cabo. (F.M: 6aad)

( Hogaamiyahaasha Islaamka ee Maanta jiro, ma yihiin kuwa ugu dambeeyo ee iyagu wax Cabo, markeey Dadka waraabiyaan kadib)

FG: Wixii iga khaldan ka sax, Wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir