2 mins read

Dowladda FS oo sheegtay in ay cuuryaamisay kala bar dakhligii ay heli jirtay Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay in ay dowladdu horumar weyn ka sameysay dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee ay kula jirto Al-Shabaab, kaasi oo ay sheegtay in uu ka mid yahay saddexda waji ee dagaalkeeda ka dhanka ah Al-Shabaab. Labada waji ee kale ayaa kala ah dagaalka dhinaca ciidanka iyo dhanka fikirka xaagjirnimo, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Ka dib dagaal adag oo dowladdu ay Khawaarijta uga qaaaday dhammaan ilihii uu dhaqaaluhu uga soo xaroon jiray, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno maanta in aan joojinay kala bar dhaqaalihii ay heli jireen Khawaarijtu. Sidoo kalena hawlgab laga dhigay nidaamkii maaliyadeed ee Khawaarijta ee isku xirnaa,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa soo bandhigtay toddobo tallaabo oo ay qaadday kuwaasi oo cuuryaamiyay maaliyaddii ay kooxdu heli jirtay waxayna kala yihiin, waxaana ka mid ah joojinta “hanaankii Khawaarijtu ay lacagaha ku dhex marsiin jirtay nidaamka maaliyadeed ee dalka, sida bangiyada iyo xawaaladaha. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay xannibtay malaayiin dollar oo kooxda u taalla bangiyada iyo adeegyada telfoonnada.

Toddobada qodob ayaa u qornaa sidan:

  1. Waxaa la joojiyay hanaankii Khawaarijtu ay lacagaha ku dhex marsiin jirtay nidaamka maaliyadeed ee dalka, sida bangiyada iyo xawaaladaha.
  2. Waxaa la xayiray xisaabaadkii bangiyada iyo teleefonadii Khawaarijtu ku uruursan jirtay dhaqaalaha kuwaas oo lagu xanibay malaayiin dollar
  3. Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijta ee badeecadaha ka soo degadekadaha iyo garoomada diyaaradaha.
  4. Waxaa la joojiyay nidaamkii ay Khawaarijtu ku baadi jirtay dadka wax kala iibsada iyo awooddii ay u lahaayeen in ay helaan xogta wax kala iibsiga.
  5. Waxaa la burburiyay goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdishoee ay ku qaadan jireen lacagaha baadda ah.
  6. Waxaa Khawaarijta laga qabsaday magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaali jireen uruurinta xoolaha ay ka dhacaan dadka, sida Masaajid Cali Guduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale.
  7. Waxaa la qaarajiyay 20 ka mid ah horjoogayaasha qaabilsanaa uruurinta dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta, waxaa sidoo kale cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 ka tirsan maleeshiyaadka sida gaarka ah ilaalada uga ahaa baadda Khawaarijtu ka qaataan shacabka Soomaaliyeed iyo 15 Gaari oo ah kuwa ay ku uruurin jireen baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaarkoodna la burburiyay.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka dowladda oo dhammeystiran

Warsaxaafadeed
Warsaxaafadeed
Warsaxaafadeed
Warsaxaafadeed
Warsaxaafadeed
Warsaxaafadeed

Dowladda Soomaaliya ayaa mas’uuliyiin ka tirsani waxa ay dhowaan sheegeen inay bilaabayaan wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo gulufkan ay ka qayb-galayaan ciidamada dawladda iyo dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa mas’uuliyiinta dawladdu xaqiijiyeen in waddamada xuduudda la leh Soomnaaliya ay ciidamo usoo dirayaan saacida kuwa dawladda.