3 mins read

Maxaa Haweenka Somalida u diiday Madaxnimo?

Haweenkii hore.

A. Sumiyah Bintu khabat. Waxa ey aheyd Qofkii ugu Horeyay ee ahaa Muslim Shahiid ah ee Dhiigiisa Dhulka lagu daadiyay.

B. Khadija Bintu khuweylid RC. Qofkii ugu horeyay ee Islaamay.

C. Hajira. Qofkii ugu horeyay ee Kacbada Degay.

D. Maryam Bintu Cimaraan. Haweeneyda kaliya ee Magaceeda Qur’aanka lagu sheegay.

E. Shajara Al dura. Naagtii ugu horeysay oo Khalifa Islaamiya madax ka noqotay – Masar, in kasta oo wax yar kadib Xukunka laga qaaday oo si xun loo dilay, Masarna lagu eedeeyay ma Ragaad weeyseen marka Dumar idiin talinaa.

D. Shifa Bintu Abdalla. Oo wakhtigii Sayid Cumar aheyd muxtasibadii 1aad oo masuul ha aheyd in Suuqa Muslimiinta aan xumaanu ka dhicin. Sayid Cumarna waa weeyney jiray shaqadooda.

Haweenka, Suuradda Sadaxaad ee ugu dheee Qur’aanka ayaa lagu magacaabay.

Xajul wadaac, Khudbadii ugu dambeeysay ee Rasuulku CSW uu u jeediyay Ummadda si aad ah ayuu uga dardaarmay in Haweenka xaqooda la dhowro.

® Waxaa kale oo jiray Haween Muslimiin ahaa oo madax noqday Sida:

1.Banazir Bhutto: Raisul wasare Pakistan.
2. Megawati Sukarno: Madaxweyne Indonesia.
3.Tansu Ciller: Raisul wasaare Turkey.
4. Mame Madior Boye: Raisul wasaarihii Senegal.
5.Khaleda Zia: Raisul wasaare, Bangladesh.
6. Shekha Hasiya: Raisul wasaare Bangladesh
7.Masoumeh Ebtekar:Madaxweyne ku xigeen Iran.
8. Cisse Mariam: Raisul wasaare Mali
9. Atifete jahjaga: Madaxweynaha Cosova.
10.Amina Gur: madaxweynihii Mauritia.

Laba Haween oo Muslima ah oo Hadda Aduunka Madaxweynayaal ka ah, weliba wadamo aan Dowladahoodu Muslim aheyn.

1.Xaliima Yacquub. Hadda, Madaxweynaha 8aad ee Dalka Singapore. Waxa ey dhalatay 23 August 1954. Hore waxa ey u aheyd Af- hayeenka Baarlamaanka. 2013-2017. Hooyo 5 Caruura leh. Waxaa Xilkaa loo doortay 2017.

Mushaarkeedu sanadkii waa$1,540,000.00 Bishiina $128,333. 33 Usbuucii$ 29,615. 38. Maalintii $5,923.08. Shan Mar ayeey ka mushaar badan tahay Madaxweynaha Mareykanka. Wadanka waa horuumarisay iyada oo ilaalisay Shuruucda lana dagaashay Musuqa, wadankiina Hodon ka dhigtay. ( F.S: 1& 2aad)

2. Samiya Suluhu Xassan. Hadda, Waxaa loo doortay Madaxweynaha 6aad ee Tanzania 2021. Waxa ey dhalatay 27 January 1960. waxa ay ka timid Gobalka Zenzibar ee Dalka Tanzania. Mushaarkeedu waa mid ka mid ah mushaarada ugu yar madaxda Afrika waana $4000 Bishii. ( F.S: 3 & 4aad)

Madaxnimada Aduunka hadda ka jirto, ma ahan Boqortooyo oo kale ee waa wad tashi iyo saxiixid kaliya wax Barlamaanku soo ansixiyay. Waa shaqa wadareed aad xubin ka tahay oo kaliya.

Haddaba maxaa diiday in Hweenka somalidu ey Noqdaan Madaxweyne qaran ama Madaxweyne Maamul Gobaleed?. ( waan hubaa in kuwa Badan ay Haweenku dhaaman) Bacdamaa Xilku yahay Xil wadareed aan Qof kaliya uuna go’aanka leheyn oo la tashi iyo wadar ogol loo baahan yahay.

Haweenka Somalidu waxa ay noqdeen Ra’iisul wasaare ku xigeen. Waxa ey noqdeen gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, haddii uu maqan yahay Gudoomiyuhu iyagaa Xilka sii qabato oo shaqadiisii sii wado. weliba Sanadkii hore Mar ay maqnaayeen Madaxda Qaranku waxa ay Noqdeen Ku sime Madaxweyne iyo ku sime Gud. Baarlamaan.

Sababta ay u noqon waayeen Madaxweyne Qaran iyo Mid Gobal, ma arrin Diineedaa mise arrin Dhaqan?

FG: Wixii ka khaldan ka sax, Wixii ka dhimanna ku Dar.

Qore: Yahya Amir