1 min read

Wajiga 2-aad howlgal ka dhanka ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Hiiraan.

Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka bilaawday dhaqdhaqaaqyo Ciidan  iyo abaabulka bilaabida wajiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Macawiisleyda iyo maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa kullan  kula yeeshay tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee Ciidanka Macawiisleyda ee ka dagaalamayay bilooyinkii la soo dhaafay gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka macawiisleyda oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey in heshiis la sheegay in ay gaareen Al-Shabaab iyo beeshooda balse haatan diyaar u yihiin hawlgalka wajiga labaad  ee Al-Shabaab looga saarayo dalka isla markaana haatan ay doonayaan in Al-Shabaab ka saaraan Gobolka.

Geesta kale Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo kullanka ka hadlay  ayaa xusay in ay wadaan qorshe  lagu soo afjaro Al-Shabaabka ku sugan bariga Gobolka Hiiraan  isla markaana u gudbi doonaan  Gobolka Galgaduud.

Kullanka Saraakiisha Macawiisleyda iyo Maamulka degmada Maxaas ay la qaateen Ciidanka macawiisleyda ee ka dagaalamayey Gobolka Hiiraan  ayaa waxa uu ku soo aaday Xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kaga dhawaaqay Bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka soconaya qeybo badan oo ka mid ah dalka.