1 min read

Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka tagay Muqdisho oo gaaray Laascaanood.

Warrarka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in odayaal dhaqameed ka socda koonfurta Soomaaliya ay gaareen Laascaanood, halkaas oo ay u tageen dadaallo ku aadan sidii ay xal loogu heli lahaa dagaalka u dhexeeyay ciidamada deegaanka Laas Caanood iyo ciidamada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhaawaqday madaxbanaanida ee Somaliland ee halkaas muddada ka socday.

0

Odayaasha ayaa waxaa magaalada ku qaabilay isimada dhaqanka Laascaanood kuwaas oo halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay.

Kulan ay isugu imaanayaan Isimada Laascaanood iyo odayaasha halkaas gaaray ayaa lagu wadaa inuu halkaas ka dhaco.

Odayaasha ayaa gaaray Laascaanood xilli xaaladda magaalada ay saaka degganayd ka dib dagaal xoogan oo halkaas Axaddii ka dhacay oo uu ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhawaac, inkasta oo BBC-da aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiisha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeyay ay weerar qorsheysan oo milatari ku qaadi doonaan ciidamada deegaanka ee magaalada Laascaanood.