1 min read

Maamulka G/Banaadir iyo Saraakiisha Amniga oo shir ka yeeshay dhibaatada ciyaal weerada.

Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Kaaraan iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa Afur wadareed la qaatay Odayaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.

Ujeedka Afur Wadareedka ayaa ahaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Amniga iyo Bulshada Waaxda Jamhuuriya ee ka wada-tashadaan xaaladaha Amni iyo Arrimo Bulsho ee ka taagan Waaxda, kadib cabasho ka timid Bulshada oo la xariira dhibaatooyin ay ku qabaan Burcad weerada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka jawaabaya cabashooyinka Bulshada, isla markaana tixgelinaya Talooyinka ay soo jeediyeen Odiyaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ayaa balan qaaday in wax laga qaban doonno cabashada ka timid Bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.