1 min read

Dowladda Soomaaliya oo Aduun weynaha la kaashanaysa ka hortagga Kalluunka sharci darrada ah ee baddeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalalka caalamka ay la kaashan doonto, sidii wax loogga qaban lahaa, Kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka dhaca badaheeda.

Shir dalal badan ay ka qeyb galeen, oo ka socda caasimadda Copenhegan ee dalka Denmark, ayaa loogga u isticmaalka arrintann ee Tiknoolajiyadda.

Kalluumaysiga sharci darrada ah, ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka sheegtay shirka, in falalkaas ay ku yeesheen saameyn badan oo guracan xaaladda dalka.

Wasiirka kalluumaysiga iyo dhaqaalaha baluuga ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in muddo ah iney baylah ahayd muddo dheer badda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladdu u digtay maraakiibta soo xad gudubta.

Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirka, ayuu carabka ku dhuftay in dowladdu ogaan karto, ayna hayso xogta cidda ka sameysa Kalluunka sharci darrada ah badda Soomaaliya.