1 min read

Maxkamadeyntu ma Ciidanaa mise Shibil?.

Asgarigaan shalay ayuu Fal dambiyeed muuqdo ku galay Agagaarka Zoobe. Ma ahan wax qarsoon welina waa Eedeysane kaliya. Mana ahan in si loo qanciyo Doodaha Baraha Bulshada la yiraa waa la Ruqseeyay.


Waa in Guddi Saraakiil ah loo saaro arinkiisa, CID ay baarto, Haddii loo baahdo caafimaad ahaan la baaro, la ogaado ma iskii ayuu Go’aanka u gaaray mise Cid kale oo Sumcadda Booliska xumeeynee ayaa ka dambeeysay.

Haddaan fiirino, Go’aankaan Deg degaa ee ah in Ciidanka laga Ruqseeyay. Marka hore go’aan gaar ah ayuu shaqadiisii ku waayay. Kaba Darane marka Maxkamadda la geeynayo waxaa la geeynayaa isaga oo Shibil ah, lamana geey karo Maxkamadda Ciidanka. Qareenadiisu waxa ey helayaan Fursad ey ku doodaan in loona wareejiyo Maxkamad Shibil ah oo lagu soo oogoow Dacwad Hantidii uu daadiyay oo kaliya iyo Dulmi.
Sharciga iyo Qancinta Bulshada ha la kala saaro. Yaan la siyaasadeyn Dambi muuqdo oo Asgarigii geeystay la Maxkamadeynayo isaga oo shibil ah oo la ruqseeyay.

FG: Wixii iga khaldan ka sax Wixii ka dhimanna ku dar.

Qore : Yahya Amir