29 Apr, 2024
1 min read

Baarlamanka Ethiopia oo liiska argagixisada ka saaray ururka TPLF.

ADDIS-ABABA — Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka. “Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri […]

1 min read

Dowladda Talyaaniga oo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ku wareejisay Gaadiid Ciidan+Sawirro.

Wasiiru Dowlaha Amniga xukuumadda Soomaaliya iyo taliyaha booliiska ayaa ka qeyb galay munaasabad safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada booliiska JFS. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada hagar la’aaneed ay siiso ciidanka booliiska Soomaaliya. Waxa uuna sheegay taliyaha in gaadiidkan […]

1 min read

Gudoomiyaha G/Banaadir iyo Amiir Faisal bin Abdulaziz oo Arrimo muhiim ah ka wada hadlay+Sawirro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Amiirka Magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Magaalada Riyaad. Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga […]

1 min read

Madaxweyne Guudlaawe iyo Guddomiye Axmed Faal oo weli ka hadlin Nabadoon si Sharci daro ah ugu xi

Madaxweyne Guudlaawe iyo Guddoomiye Axmed Faal waxaa habeenkii 5aad Saldhiga Booliska ee Jowhar sifo sharci daro ah ugu xiran Nabadoon caan ah, kana soo jeeda Beesha Xawaadle oo lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Jimcaale (Xuseen Daamey), isagoo weliba qaba wadno-xanuun iyo dhiig-kar. Sharciga intii leysla yiqiinay wuu dhaafay xariga Nabadoonka, Maxkamadna lama hor geyn karo, waayo […]

1 min read

Dowladda Itoobiya oo beenisay eedeymaha Mareykanka ee dambiyo dagaal.

Addis Ababa — Itoobiya ayaa Talaadadii diiday hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda oo ay wehliyaan dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay colaaddii dhawaan lasoo afjray ee waqooyiga gobolka Tigray ay galeen dambiyo dagaal, waxayna ku tilmaantay eedeyntan “mid kicin colaadeed’ ah. Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in xubno […]

1 min read

Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 3,000 oo Al-Shabaab ah.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbad uu xalay jeediyay ku sheegay in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-shabaab ah.   Waxa uu sheegay in sidoo kale ku dhawaad 3,700 oo kale looga dhaawacay dagaallo […]

1 min read

Dowladda iyo Al-Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka Daaru Nicma.

Muqdisho — Dawladda Soomaaliya iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal saaka ka dhacay degaanka Daaru Nicma ee gobolka Shabeellada Dhexe. Warbaahinta rasmiga ah ee dalwadda Soomaaliya, oo soo xiganaysay taliyaha ciidanka dhulka Sarreeye Guuto Maxamed Tahliil Biixi, ayaa sheegtay in ciidamada dawladdu ay iska difaaceen weerar uga yimid Al-Shabaab ayna dileen […]