1 min read

Dowladda Itoobiya oo beenisay eedeymaha Mareykanka ee dambiyo dagaal.

Addis Ababa — Itoobiya ayaa Talaadadii diiday hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda oo ay wehliyaan dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay colaaddii dhawaan lasoo afjray ee waqooyiga gobolka Tigray ay galeen dambiyo dagaal, waxayna ku tilmaantay eedeyntan “mid kicin colaadeed’ ah.

Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in xubno ka tirsan ciidamada difaaca qaranka Itoobiya (ENDF), xulafadooda ciidamada Eritrea iyo ciidamada gobolka Axmaarada, iyo xoogaga kasoo horjeeda ee daacada u ah Jabhadda Xoraynta Tigrayga (TPLF) ay galeen dambiyo dagaal intii lagu guda dagaalkii socday labada sano ee u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

“Eedayntan oo kale waa mid aan loo baahnayn, waxayna hoos u dhigaysaa taageerada Maraykanka ee geeddi-socod nabadeed ee loo dhan yahay oo ka dhaca Itoobiya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan dil ka baxsan sharciga, kufsi, bililiqo iyo barakicin dadka si xoog ah, waxaa diiwaan-geliyay hay’adaha Qaramada Midoobay, guddiga xuquuqul insaanka ee ay dowladda Itoobiya magacawday, kooxaha gargaarka madaxa -bannaan iyo warbaahinta oo ay ku jirto Reuters.

Dagaalkan oo salka ku hayay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya madaxda Tigrayga iyo dowladda federaalka, ayaa waxaa ku dhintay tobannaan kun oo qof, iyadoo boqolaal kun ay soo food saartay gaajo, malaayiin kalena ay barakiciyeen.

Ku dhawaaqida Blinken ayaa timid wax ka yar hal toddobaad kadib markii uu u safray dalka Itoobiya si uu ula kulmo madaxda dawladda iyo wakiil ka socda kooxda TPLF. Wuxuu ammaanay horumarka laga gaaray hirgelinta xabbad-joojintii bishii November.

Dhammaan dhinacyada ayaa dafiray mas’uuliyadda xadgudubyada lagu soo eedeyay.

Reuters.