Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo tababar u soo xiray ciidamo Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas.
Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Uganda taageerada naf hurnimada leh ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayuu uga mahadceliyey bixinta qarashka ku baxay Tababarka ciidanka.