March 19, 2023
Kooxda Arsenal oo sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier League.
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xasuuq ay u geysatay Crystal Palace waxa ay kusii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ku qabatay siddeed dhibcood oo ay ka horreyso naadiga kusoo xiga ee Manchester City oo ay baaqatay ciyaarteedii toddobaadkan. Gunners ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka leexatay toddobaadkii hore oo ay Sporting […]
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo tababar u soo xiray ciidamo Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas. Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib […]
Taliban oo mamnuucay beerista Xashiishka.
Hebatullah Akhundzadeh oo ah hogaamiyaha Taliban, ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in gabi ahaanba ay mamnuuc tahay in lagu beero “Bang” oo Xashiis dalka Afghanistan. Afhayeenka Taliban iyo waaxda arrimaha dowladda Taliban, ayaa daabacay qoraalka amarkan. Hoggaamiyaha Taliban, ayaa ku amray maamulka inay burburiyaan beeraha “Bang” ama Xashiiska, iyo inay ku ciqaabaan dambiilayaasha […]
Faahfaahin ku saabsan Dab saakay ka kacay Suuuqa labaad ee Magaalada Muqdisho.
Dab ayaa saaka ka kacay suuq Bacaad, oo kamid ah suuqyada ugu weyn magaalada Muqdisho. Sida ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya, maamulka degmada ee magaalada Muqdisho, ayaa ku guuleystay daminta dabka. Khasaaraha dabka uu geystay, ayaa lagu sheegay gubashada laba bakhaar, iyo gaari TM ah. Ma jirto wax dhimasho nafeed ah oo ka dhacay goobta […]
Ma Run baa in nin u dhashay Burundi uu isku miidaamiyay saldhigga Janaay Cabdalle?.
MUQDISHO — Maleeshiyada Al-shabaab ayaa farriin cod ah oo ay soo saareen ku sheegay in ninkii isku qarxiyay saldhigga militariga Soomaaliya ee deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo toddobadii bishan Maarso uu u dhashay waddanka Burundi. Al-shabaab ayaa ninka is qarxiyay magaciisa ku sheegay Dizaya Isxaaq Khalid. Waxay sheegeen inuu ahaa qowmiyadda Hutuuga. Waxay intaas […]