3 mins read

Kooxda Arsenal oo sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier League.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xasuuq ay u geysatay Crystal Palace waxa ay kusii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ku qabatay siddeed dhibcood oo ay ka horreyso naadiga kusoo xiga ee Manchester City oo ay baaqatay ciyaarteedii toddobaadkan.

Gunners ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka leexatay toddobaadkii hore oo ay Sporting Lisbon guul-darro Europa League ah u xambaarisay, waxaanay cadhadii kula dhacday Crystal Palace oo ay 4-1 ku xasuuqday.

Laba gool oo uu dhaliyey Bukayo Saka iyo laba ay ku dareen Gabriel Martinelli iyo Granit Xhaka ayaa Arsenal siiyey guul weyn oo iskaga maydheen khasaarihii iyo ka hadhistii Europa League.

Kooxda martida ahayd ee Crystal Palace oo aan haysanin tababare rasmi ah kaddib markii ay shaqada ka caydhiyeen Patrick Vieira, ayaa waxay ku dhowatay inay shabaqa soo taabato bilowgii ciyaarta oo ay cadaadis badan saareen Arsenal.

Wilfried Zaha ayaa daqiiqaddii 11aad, waxa difaaca loo dhaafiyey kubbad  uu dhaxda kasoo gooyey Schlupp taas oo uu ula tegay goolhaye Ramsdale, waxaanu u weydaariyey goolka balse nasiib-darro waxay kaga dhacday birta. Kubadda ayaa dib ugu soo noqotay Ramsdale oo lugaha kaga dhacday waxaanay u noqotay dhinaca goolka iyada oo birtadhinaca ka martay. Nasiib ayaa badbaadiyey Arsenal.

Waxyar kaddib waxay Crystal Palace heshay fursad kale oo dahabi ahayd iyaga oo goolhaye Ramsdale uu kubbad ula tegay Zaha, waxaanu ka dhigay dhinaca midig hase yeeshee goolhayaha ayaa isku tuuray oo badbaadiyey.

Arsenal ayaa intaa wixii ka dambeeyey ciyaarta si buuxda ula wareegtay, waxaanay difaaceedu xidheen meelihii furnaa ee u badnaa difaaca midig ee uu kasoo gelayay Zaha, iyaga oo sidoo kalena ay khadka dhexe taxadar samaynayeen.

Daqiiqaddii 28aad ayay Arsenal hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Gabriel Martinelli oo kubbad uu ka helay Bukayo Saka kala  soo galay dhinaca bidix, kaddibna dhinaca ka dhigay goolhaye Joe Whitworth oo ay u ahayd maalin xun.

Gunners ayaa dardar xooggan kasii qaadday goolka ay dhalisay iyaga oo xaqiiqsaday in uu jabay difaacii Crystal Palace. Saka ayaa wacdaro ka dhigayay khadka dhexe iyo garabka midig oo uu soo burburiyey, halka Martinelli uu kasoo gelayay dhinaca bidix.

Saka ayaa kubbad uu usoo dhiibay Ben White waxa uu kala soo galay dhinaca midig, kaddibna kubbad dhulka socota ayaa uu weydaariyey goolhaye Joe Whitworth oo uu dhinaciisa midig toogtay, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 2-0 dhamaadka qaybta hore oo ay laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Arsenal sii xoojisay weerarkeeda, si ay u xaqiijistaan in ay sii dheeraystaan hoggaanka horyaalka. Granit Xhaka ayaa hoggaanka usii dheereeyey Arsenal daqiiqaddii 55aad oo uu dhamaystiray kubbad ay difaaca Palace iska  saari kari waayeen oo cadaadis badan saarnaa, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 3-0.

Crystal Palace ayaa la timid gool madi ah oo noqday midkii ugu horreeyey ee ay ka dhaliyaan horyaalka Premier League toddoba saacadood oo ay garoonka ku jireen.

Laakiin goolkaasi masii waarin, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay oo Arsenal hoggaanka usii dheereeyey Bukayo Saka oo rikoodh cajiib ah oo dhinaca gool-dhalinta iyo caawinta ah dhigay.

Gabriel Jesus oo beddel kusoo galay ayaa ku dooday in loo dhigo rikoodhe markii uu xerada ganaaxa ku dhacay, laakiin garsooraha ayaa u sheegay inay ciyaartu socoto.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-1 ay guushu ku raacday Arsenal oo yeelatay 69 dhibcood halka Manchester City oo labaad fadhiydaa ay haysato 61 dhibic.