1 min read

Ma Run baa in nin u dhashay Burundi uu isku miidaamiyay saldhigga Janaay Cabdalle?.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa farriin cod ah oo ay soo saareen ku sheegay in ninkii isku qarxiyay saldhigga militariga Soomaaliya ee deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo toddobadii bishan Maarso uu u dhashay waddanka Burundi.

Al-shabaab ayaa ninka is qarxiyay magaciisa ku sheegay Dizaya Isxaaq Khalid. Waxay sheegeen inuu ahaa qowmiyadda Hutuuga.

Waxay intaas ku dareen inuu yimid Soomaaliya toddobo kahor.

Weerarkan oo ku bilowday is-miidaamin ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac,iyada oo saraakiisha dowladda iyo kuwa Jubaland ay sheegeen inay iska caabiyeen, isla markaana khasaare ‘xoog leh’ u geysteen Al-shabaab, sida uu u VOA u sheegay madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.