2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 348aad =Cadaalad darada Dalka ka jirtana Yeyna si kale kuula muuqan=

1. Dhoorka Dhalinyarada iyo Bidaarta Qurba joogto Yeyna wax kale kuula muuqan. ( F.S: 1,2 & 3aad)

( Cadaalad darada Dalka ka jirtana Yeyna si kale kuula muuqan)

2. (Haddii Beeshii la siiyay wasiirka Cadaaladu Cadaalad daro ka cabaneyso).
( Haddii beeshii la siiyay Taliska Nabadsugidu Nabadgalyo Xumo ka cabaneyso).
( Haddii Beeshii la siiyay wasiirka Beeruhu Dalag la’aan ka cabaneyso).
(Haddii Beeshii la siiyay Wasiirka Caafimaadku MCH la’aan ka cabaneyso).
(Haddii Beeshii la siiyay Duq Magaaladu Ciyaal weero ka cabaneyso).
(Haddii Beeshii la siiyay wasaaradda Haweenku, Garoobada oo ku batay ka cabaneyso).
(Haddii Beeshii la siiyay Wasiirka Ganacsigu, Rugta Ganacsiga ka cabaneyso).
(Haddii Beeshii la siiyay wasiirka Maaliyaddu Musuq maasuq ka cabaneyso).
(Haddii Beeshii aan wax la siin ey inta kale ka cabaneyso) .

( Somali wada cabataye. Cabashada lafteedu yey ka sii cabanee)

3. Wasaaradda Caafimaadka Somalida ayaa sheegtay in Cilmi Baaris ey sameeyeen Heyadda WHO iyo Jaamacadda Harvard UNV lagu amaanay Wasaaradda, Daawada Somalidu ey Aduunka ku soo kordhisay. ( F.S: 4&5aad)

(Hala yaabin warbixinnada wasaaradaheena, horeey noogu sheegeen in Deymihii nalaga Cafiyay, Xasuuso wasaarada Badan oo Been adag Biyo la’aan na liqsiiyay)

4. Somalidu waxa ey tiraa: Calaamadaha Aakhiru samaanka waxaa ka mid ah: Haddii aad aragto Nin Reer Jowhar ah oo ku leh: Muufada iyo Macsarada ma cuno oo Xasaasiyad ayaan ka qaadaa. Nin Reer Burco ah oo ku leh: Qaadka waan ku lalaboodaa. Nin Reer Xaradheere ah oo ku leh: Gacatada( gucusada) Calool xanuun ayaan ka qaadaa. Nin Reer Balad weynaa oo ku leh: Jicibta waa ku jiradaa. Nin Reer Jamaane ah oo ku leh: Mooska waan ku matagaa. Nin Reer Qansaxdheere ah oo leh Masagada waa ku Madaxmaraa. Nin Caluulaa oo ku leh Kaluunku markuu ii soo uru waan kahsadaa.
Waa hor dhicii Calaamaadka Aakhiru Samaanka Somalida.

( No Comment)

5. Siidow Macalin Siidow ayaa yiri: Aniga oo fadhiyo Makhaayad Ku taal wadada Maka ka soo hor jeedka Dabka oo Banaanka ku leeyrsanayo shaana Cabayo kuna Mashquulsan Facebook, dhinaceeygana uu fadhiyo Nin Wariye ah ayaa Dhuuso iga fakatay. Isla markii Facebook ayaan kuu arkay Qoraal uu qoray Wariyigii oo leh: Qarax Jugtiisa laga maqlayay Magaaladda oo dhan ayaa Hadda ka dhacay wadada Maka meel u dhaw Dabka.

( wariyaha Magaciisa ha sheegin.No comment)

6. Bahda Facebook waxaan uga tacsiyeeynayaa Geeridii naxtinta leheyd, ee Tiiranyada nagu reebtay, Alla ha u naxariistee, Marxuumkii Baariga ahaa, Aabe Ducale.

( Aabe Ducale, waa Aabihii soo koriyay, Haboon, kkkkkkk ) ( F.S:6 aad).

Qore: Yahya Amir